indexMuqdisho( Araweelo News Network) Inta La Ogyahay 7 qof ayaa ku dhintay 15 kalena way ku dhaawacmeen dagaal culus oo ciidammo kawada tirsan dowladda Soomaaliya ku dhexmaraya gudaha degmada

 

Wanlaweyn ee gobolka Shabeellada Hoose maanta.

Dagaalka Ayaa daba socday dagaal kooban oo shalay ka dhacay degmadaa, kaasoo u dhexeeyay ciidammo milateri ah oo halkaas gaadhay iyo kuwii horay ugu sugnaa degmada, iyadoo uu ka culus yahay dagaalka maanta kii shalay dhexmaray labada dhinac.

“Iskahorimaadku wuxuu ku baahay gudaha degmada oo dhan, waxaana la maqlayaa hubka culus iyo midka fudud, xaaladduna way kacsan tahay,” ayuu yidhi goobjooge Cali Cumar ku sheegay magaciisa oo ku sugan gudaha degmadaas Wanlaweyn.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Somalia oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay in dagaalku uu jiro ayna ku wajahan yihiin degmadaas si ay u kala dhexgalaan labada ciidan ee dagaalamaya.

“Dagaalku wuu jiraa, waxaana socda qaban-qaabo ay saraakiil ka tirsan kuwa milaterigu ku tagayaan degmadaas si dagaalka u joojiyaan una kala qaado labada ciidan ee dagaalamaya,” ayuu yidhi sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka xoogga Soomaaliya.

Laba qof oo shacab ah ayaa ka mid ah dadka ku dhintay dagaalka maanta halka inta kalena ay yihiin ciidamada dowladda ee dagaalku u dhexeeyo, iyadoo khasaaruhu uu intaas ka badan karo maadaama uu dagaalku yahay mid aad u culus.

“Dhaawacyada waxaa lagu gurayaa gaadiidka dadweynaha ee caasiga loo yaqaan, meel walba oo ka mid ah degmadana waxaa ka dhacaysa rasaas,” sidaa waxa yidhi goobjooge diiday in magaciisa uu sheego, isagoo intaas ku daray in degmada ay imaanayaan ciidammo gurmad ahaan ugu kala socda labada dhinac.

Wararka ayaa sheegaya in sababta dhalisay dagaalka ay tahay markii ay ciidammo ka tirsan kuwa dowladda oo ku sugan degmadaas ay isku dayeen inay hub ka dhigis ku sameeyaan shalay ciidammada gudaha degmadaas kula dagaalamaya oo ka tirsan milateriga Soomaaliya.
info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *