KismayoKismaayo(ANN)Ciidamada huwanta ah ee hareereeyay Magaalada Kismaayo, ayaa awoodi waayay inay gudaha u galaan magaaladaa oo ay shalay ka baxeen kooxda Al-shabaab, waxaana jirta cabsi soo food saartay bulshada. kadib markii dilal qorshaysan

 

maanta ka dhaceen halkaa. Afhayeenka ciidamada ururka Raaskaambooni ayaa sheegay in ciidamadii huwanta ahaa joogaan kontoroolada magaalada laga galo iyo kuwa laga baxo oo aad magaalada ugu dhow.
Warar kale oo ka imanaya magaalada ayaa sheegaya in  ugu yaraan Afar qof oo ay ku jiraan nabaddoono  ka dhaceen halkaas. sidoo kale Sarkaal ka tirsan ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ka hawl gelaya ayaa la sheegay inay joogaan meel 5KM u jirta Kismaayo.

Wararku waxay sheegayaan in dilalka maanta ka dhacay magaalada ay ahaayeen kuwo lagu bartilmaameedsaday  ugu yaraan afar qof oo rayid ah oo u badan rag odayaal magac leh,  iyadoo aanay jirin ciidan hadda gacanta ku haya magaalada, taas oo cabsi ku abuurtay dadka deegaanka oo bilaabay inay ka qaxaan magaalada. sidoo kale
Dadka magaaladan deggan ayaa sheegay  in xarumihii al Shabaab ka baxeen ay bililiqeysteen dhallinyaro deegaanka ah. Ciidamada huwanta ah oo magaalada hareereeyay shalay ayaa ka cabsi qaba inay gudaha u galaan magaalada oo mudo dheer ay ka talinayeen Al-shabaab.
Dhinaca kale Dawlada Maraykanka ayaa ka hadashay ka bixitaanka Al-shabaab ee Kismaayo. Kaaliyaha xog’hayaha arrimaha dibbadda Maraykanka Johny Carson oo saxaafadda kula hadlay magaalada Washinton ayaa sheegay in dawladiisu aaminsan tahay in awoodii Al-Shabab si weyn loo wiiqay,  hase ahaatee ay willi jirto awood ay u leeyihiin fulinta weeraro kale.
Johny Carson waxaa uu sheegay in dagaaladii ka dhacay gobolka Jubbadda hoose si weyn loogu wiiqay awoodii Al-Shabab, isagoo xusay  in magaalada Kismaayo ay ahayd meeshii ugu weynayd ee gacantooda ku hadhsanayd.

Kaaliyuhu waxaa uu xusay in Xarakadda Al-Shabab ay ahmiyad ciidan iyo dhaqaale ay ku haysatay magaalada Kismaayo, balse  ay waayeen  hada,  waxaana uu xusay inay qorshaha ugu jirto in magaalada Kismaayo ka fuliyaan weeraro uu ugu yeedhay kuwa argagixisinimo ee naf-hurnimada ah.

“Al-Shabab hadda ma laha awood ciidan oo wax difaaci karta laakiin waxay sameynayaan waa inay weeraro ka geystaan gudaha Soomaaliya,  taas oo iyaduna  ah halis jirta” ayuu yidhi Johny Carson kaaliyaha xog’hayaha arrimaha dibbadda dawlada Maraykanka, wuxuuna  carabka ku dhuftay inaan l si buuxda loo  odhan karin waa laga adkaaday Xarakadda Al-Shabab.” ayuu yidhi. kaaliyaha xoghyaha maraykanka.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *