Ceergaabo(Araweelo News Network) Danab ku dhacay Deegaanka Maax ee Buuraleyda dhinaca Woqooyi Galbeed ka xigta qiyaastii 60km Ceergaabo, ayaa sababay

 

khasaare dad iyo Duunyo ah. Kadib markii roobab ka da’ay shalay deegaankaa oo watay danab uu haleelayay Qoys xoolo dhaqato ah.

Hooyo Saynab Siciid iyo qoyskeeda oo ka kooban 5 Caruur ah, isla markaana ah Xoolo dhaqato degan deegaanka Maax ee Buuraleyda ayaa danbku waxyeelo u geystay, waxayna Hooyada dhashay Caruurta yar yar oo Agoon ah gashay xaalad khatar ah oo miyir-doorsan ah, balse Caruurta ayaa xaaladoodu fiicantahay inkasta oo dhaawacyo soo gaadhay ka sokow ay firka naxeen markii masiibadaasi haleeshay.

Dadaka Deegaanka, ayaa u sheegay Shebekada Araweelo News Network dhibaatada soo gaadhay qoyskaa, waxayna sheegeen in Haweenaydaa dhinaca Cusbitaalka Magaalada Ceergaabo loo qaaday Caawa. Kadib markii Maayarka Magaalada Ceergaabo Ismaaciil Xaaji Nuur u diray Gaadhiisa.

Qoyska ayaa sidoo kale Danabku ka dilay kala badh Xoolihii ay haysteen oo gaadhaya 100 Neef oo u badan Ri’yo. Sidoo kale Awr ay gaadiid ahaan u isticmaalayeen ayaa danabku dhaawacyo gaadhsiiyay.

Dadka deegaanka, ayaa sheegay in Hooyada iyo Caruurteeda ay gaadheen Biyaha Danabku, halka xerada Xooluhu ugu jireen uu ku habsaday Danabkii, taas oo sababtay in kala badh ay dhintaan Xoolihii ay haysteen ee ku jiray Xeradaa, isla markaana dhaawac soo gaadhay qaybta kale ee Adhiga.

Sidoo kale Roobabka Raxmaadka ee ka da’ayay Buuraleyda dhinaca Galbeed kaga began Magaalada Ceergaabo ee xarunta Gobolka Sanaag, ayaa khasaare gaadhsiiyay Deegaanka caanka ah ee Dayaxa, gaar ahaan Beeralayda deegaanka Good oo qaar ka mid ah Beeraha ku yaalayay daadad ka dhashay Roobabka ay qaadeen dalagii ku yaalay Beerahaa.

Qaar ka mid ah Dadka Beeralayda deegaanka Good oo ka mid ah deegaamada ugu caansan dhinaca Beeraha ee gobolka Sanaag,  ayaa u sheegay shebekadda Araweelo News Network in khasaare soo gaadhay Beero gaadhaya ku dhawaad labaatan Beerood, waxayna sheegeen in aanay weli wax gurmad ah ka helin xukuumadda Somaliland, isla markaana ay u baahan yihiin in gurmad lala gaadho dadka Beeralayda deegaanka Good ee daadku khasaaraha u geysteen.

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *