Hargeysa (ANN)- Xisbiga mucaaridka ah ee UDUB, ayaa markii u horaysay ka hadlay fadeexadihii musuq-maasuq ee xubno uu ka mid yahay wasiirkii hore ee maaliyadda Xuseen Cali Ducaale (Cawil) lagu eedeeyay, taas oo dhowaan hantidhawrka qaranku hakiyay. Kadib markii loo

fasiray aar-goosi siyaasadeed oo lagula kacayo masuuliyiintii hore. Hase yeeshee qoraal kasoo baxay xisbiga mucaaridka ah ee UDUB ayaa  tunka  u saaray masuuliyadda guul-daradii foosha xumayd ee ka raacday doorashadii madaxtooyadda Somaliland ee 26 June 2010 dalka ka qabsoontay, iyada oo UDUB dhinaca kale sheegtay in  Mr. Cawil lagu tuhunsan yahay inuu hanti badan lunsaday mudadii uu xilka qaranka hayey.
Sida lagu shaaciyey warsaxaafadeed xalay ka soo baxay xisbiga mucaaridka ah ee UDUB, waxa wasiirkii hore ee maaliyadda oo ka mid ah rukumadda waaweyn ee xisbiga UDUB, loogu baaqay in aanu qabiil dabada la gelin oo aanu odhan reernimo ayaa la igu eryanayaa marka arrimo musuqmaasuq lagu soo eedaayo. Waxaanu xisbiga UDUB ku booriyey wasiirkii hore ee maaliyadda inuu ceebta iska maydho oo uu hortago hay’adaha baadhitaanka wadda.
Wasrxaafadeedka UDUB soo saaray oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha xafiiska siyaasadda UDUB Mr. Cumar Jaamac Faarax, waxa lagu sheegay in wasiirkii hore ee maaliyadda Md. Cawil Cali Ducaale oo hadda da’diisu kor u dhaaftay 80 jir uu damac ka hayo sidii uu u qabsan lahaa hoggaanka sare ee xisbiga UDUB, arrintaasi oo warsaxaafadeedku ku tilmaamay tallaabo ceeb ku ah xisbiga.
Warsaxaafadeedka UDUB oo faahfaahsana waxa uu u qornaa sidan; “Waxa dhaqanka siyaasada ah in marka nin masuul ah lagu eedeeyo inuu musuqmaasuq galo inuu iska casilo xilka uu ummadda u hayo si uu isaga maydho caybta, una hartago hay’adaha baadhitaanka haddaanu waxba lunsan. Waxa jirta inay soo baxayeen in Wasiirkii hore ee Maaliyada lagu tuhunsan yahay inuu lunsaday hanti badan mudadii uu xilka hayey, taasoo keentay inaan lagala wareegin deyn fara badan oo faraqa uga buuxday. Hadda oo aanu xil hayn waxa haboon in Cawil hortago hay’adaha baadhitaanka si uu ceebta isaga maydho, una xaqiijiyo shacabka inaanu lunsan wax hanti qaran ah.
Ma aha haddii lagu tuhmo inaad qabiil dabada la gasho oo tidhaa reernimo ayaa la igu eryanayaa, waxa haboon inay dhaqan inoo noqoto qof kasta oo lunsada hanti qaran in la hor keeni karo sharciga.  Ma lihi Cawil waa dambiile oo lama odhan karo qofna waa dambiile ilaa maxkamadi ku caddayso.
Cawil waaxa uu horseed ka ahaa guuldaradii la soo deristay Xisbiga UDUB waqtigii doorashada sida ay noo caddaysay baadhitaan aanu ku samaynay guul daradii xisbiga ee doorashadaii 26 June 2010. Ta kale Cawil wuxu hadda kor u dhaafay 80 jir waxayna tahay waqtigii uu siyaasada ka bixi lahaa una bannayn lahaa jiilka cusub si ay ula wareegaan siyaasada, isagoo kor u dhaafay waqtigii hawl gabka.
Sida aan dareensan ahay Cawil waxa damac ka hayaa inuu hantiyo hoggaanka sare ee  Xisbiga UDUB, waxaan filayaa inay ceeb ku tahay Xisbiga inuu safka soo mariyo raggii shalay guul darada u horseeday in loo ogolaado inay hoggaanka qabtaan, taas oo muujin karta inaan Xisbigu dan ka lahayn doorasho dambe inuu ku guuleysto. Sidaa darteed Cawilow Ceebta iska maydh oo ogolow hay’adaha sharcigu inay ku baadhaan oo weliba adigu si daacadnimo ku jirto u hortag si aad dadka ugu xaqiijiso in aanad lunsan wax hanti qaran ah. Waxaan doonayaa inay noqoto dood furan oo qof weliba ka dhiibto ra’yigiisa,” ayaa lagu soo gunnaanaday warsaxaafadeedka xisbiga mucaaridka ah ee UDUB ku soo bandhigay ceebaha wasiirkii hore ee maaliyadda Cawil Cali Ducaale oo ka mid ahaa raggii rukumadda u ahaa maamulkii madaxweyne Rayaale ee lagaga guulaystay doorashadii madaxtooyadda ee 26 June 2010 dalka ka dhacday.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *