indaba somaliland flag cnterCape Town (Araweelo News Network)Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Eng. Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa ka qaybgalay shirweyne caalami ah oo lagaga hadlayo maalgashiga macdanta Afrika, kaas oo

 

markii u horreysay Somaliland ku kastabatay dadaalka xukuumaddu ugu jirto soo saarista khayraadka dabiiciga ah.

Shirkan oo ah sannadle uu qabto isku-xidhka maalgashiga macdanta Afrika (Investing in African Mining Indaba) oo magaalada Cape Town ee dalka Afrika ka soconaya 1-da ilaa 7-da bishan February ee labada maalmood inaga xigaan, ayaa Somaliland ka mid noqotay 20 dal oo uga qaybgalaya Afrika, kuwaas oo isugu jira qaar ku guulaystay soo saarista iyo ka faa’iidaysiga macdanta iyo kuwo dadaal wayn kugu jira soo saaristeeda sida Somaliland, iyadoo tallaabadaasi ay ka midho-dhalisay Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta iyo wasiirkeedu Dr. Xuseen Cabdi Ducaale.

Shirweynahan ayaa lagu siiyey Somaliland meeqaam sare oo la mid ah dalal kale ee lagu martiqaaday, waxaanna lagu baahiyey shabakadda isku-xidhka shirweynaha qabanaya oo la soo geliyey 20-ka dalba ku jira magaca Somaliland iyo calankeeda oo dhexda ugu jira waddamada kale, kuwaas oo kala ah; Angola, Botswana, Burundi, Ivory Coast, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo, Itoobiya, Chana, Guinea, Kenya, Muusaanbiiq, Nigeria, Jamhuuriyadda Congo, Somaliland, Koonfur Afrika, Koonfurta Suudaan, Tansaaniya iyo Saambiya.

Sidoo kale wax aka qaybgelaya shirkaa dalalkaAustralia, Canada, China, Netherlands, India Japan, USA Afghanistan, wuxuuna Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Dr. Xuseen Cabdi Ducaale oo shirka ka jeedin doona shirkaa khudbad ku saabsan khayraadka macdanta Somaliland iyo sida ay Somaliland ugu diyaar tahay in ay maalgashadaan shirkadaha waaweyn ee dunida hore u martay. Dr. Xuseen Ducaale waxa la siiyey waqti la mid ah ka loogu talogalay wasiirrada kale ee Afrika oo mid walba la siiyey waqti 20 daqiiqo ah.

Shirweynahan oo ay ka qaybgalayaan in ka badan 7,800 oo 2,000 oo ka mid ah ay yihiin aqoonyahano iyo khuburo ka socota shirkaddaha ugu waaweyn aduunka, waxa iyana ka qaybgelaya sida lagu baahiyay bogga INDABA in ka badan ilaa masuuliyiin ka socda labaatan dal oo afrikaan ah iyo  8 dal oo ah kuwa ugu waaweyn dhinaca Macdanta iyo Kahyraadka dunida.
.

Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Dr. Xuseen Cabdi Ducaale ayaa loo qorsheeyay inuu qudbad ka jeediyo shirkaa oo fursad weyn u ah Somaliland oo dunida ka raadinaysa aqoonsi iyo in la maalgashado.
Sidoo kale waxa shirkaa ka qaybgelaya marti sharaf ka kala socota waddamada dhaqaalaha ku horumaray ee dunida, maalgashadayaal, shirkadaha ka shaqeeya soo saarista macdanta iyo shidaalka, khubaro iyo aqoonyahan tiro badan oo caan ka ah dunida, kuwaas oo ka socda shirkado iyo machadyo iyo xarumo kala duwan.
Shirkaa oo ah kii ugu horeeyay ee noociisa lagu martiqaado Somaliland ayaan lagu soo hadalqaadin Somalia, waxaana Calanka Somaliland la sudhay goobta shirkaa loo qoondeeyay, iyadoo ka qaybgalka shirkaa Caalamiga ah ee Somaliland noqonayo mid guul wayn oo u soo hoynaya Somaliland, taasi oo ka dhalatay siyaasadda xukuumadda talada haysa ee Madaxweyne Siilaanyo, gaar ahaan Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Dr. Xuseen Cabdi Ducaale ugu jiro sidii loo heli lahaa maalgashi lagu soo saaro khayraadka macdanta iyo shidaalka, kaasi oo ay dhaliilaan siyaasiyiin iyo shakhsiyaad ka xun shaqada uu qaranka u hayo oo la daba taagan canbaarayn aan sal iyo raad lahayn, balse ku kooban hunguri iyo dano uu shaqsiyaad gaar ah ka diiday inuu u fuliyo.

info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *