Buuhoodle(ANN)Gudoomiyaha Waxbarashadda Buuhoodle iyo Wefdi uu hogaaminayo oo ka socda Hay’adda Care oo ay weheliyaan saraakiil wasaaradda waxbarashadda Somaliland ayaa markii u horaysay komeer ku soo maray deegaanada

Buuhoodle oo aanay hore cagta u dhigin maamulka  Somaliland mudadii dhawr iyo labaatanka sanadood ee Somaliland jirtay.

Gudoomiyaha waxbarashada Gobolka Buuhoodle Md Cabdirisaq Saleebaan aadan Colaad (John) oo horkacaya saraakiil ka socda Hay’ada Care oo mashruucan fulinaysa ayaa Waaheen u sheegay inay nabad qab ku galeen Buuhoodle oo ay kasoo laabteen iyadoo aan wax dhibaato ahi gaadhin.

Guddoomiye John waxa uu sheegay inuu Buuhoodle ku galay Gaadhi Dawlada Somaliland leedahay, halka Saraakiisha hay’ada Care-na ay wateen Gaadhi Landcruiser ah oo Taariikadda Somaliland ku xidhantantahay, isagoo xusay in bulshada deegaanku si weyn u soo dhaweysay, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “aniga iyo saraakiil ka socda Hay’ada Care oo fulinaysa Waxbarasho oo Deegaamada Buuhoodle laga fulinayo, ayaa kormeer ku soo marnay Buuhoodle, widh-widh, Xamar lagu xidh, Ceegaag iyo dhamaan Deegaamada hoos yimaada Buuhoodle ee Somliland, markaa si fiican ayaa naloo soo dhaweeyay”ayuu yidhi.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay inuu Buuhoodle ka soo qaaday Dhukumantiyadii Ardayda Fasaladda ee Sideedaad iyo kuwii Afaraad ee dugsiga sare, isagoo yidhi,  “iminka waxaan ka soo baxay Buuhoodle anigoo gaadhigaygii GT-da ahaa wata, waxaan sidaa Imtixaankii fasalka Afaraad ee Dugsiga sare iyo ka sideedaad , wax dhibaato ahna maanu la kulmin intii aanu Buuhoodle joognay, anigu waxaan ahay nin reer Buuhoodle ah Odayaasha dhaqanka iyo Bulshada oo dhamina way igu soo dhaweeyaan markaan Buuhoodle tago, hore ayaan xarumo waxbarasho oo kale uga sameeyay Deegaamada Buuhoodle”ayuu yidhi.

Dhinaca kale Wefdiga ayaa sidoo kale  booqday magaalooyinka widhwidh, Buuhoodle iyo Qorulugud,kuwaas oo laga wado deegaamadaa, isla maraakana sida ay wefdigu sheegeen ay jiraan qorshayaal mashaariic laga fulinayo deegamo kale oo u dhow halkaa.
Deegaamada Buuhoodle, ayaa mudo dheer khilaaf iyo colaado ka taagnaayeen, taas oo sababtay in adeegyada Bulshadu ay noqdaan kuwo aan waxba ka jirin, balse xukuumadda Somaliland ayaa tan iyo markii ay xilka la wareegtay ku taamaysay in maamulka la gaadhsiiyo deegamadaa, isla markaana lag fuliyo mashaariic horumarineed oo wax tar u leh bulshada deegaanka.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *