Hargeysa(ANN)Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadaw), ayaa xalay guriisa ku qaabilay qaar ka mid ah Madax dhaqameedka Somaliland, kuwaas  oo maalmahanba

kulamo gaar gaar ah oo aan ujeeddadooa la ogayn lahaa.
Hase yeeshee warar xoggo laga helay kulankaa xalay, ayaa sheegay  inay kooxdaa madaxdhaqameedka ahi xalay Guriga Boqor Cismaan Aw Maxamud Buurmadow ee Hargeysa ku yeesheen ugu baaqeen Madax dhaqameedka kale inay shir guud isugu yimaadaan aan ujeedadiisa la ogayn, kaas oo sida ay xogahaasi sheegayaan doonaya inay ka wada hadlaan xaalada siyaasadeed ee dalka.
Wararka la xidhiidha arrimahaa, ayaa sheegaya inay kulankaa ka qaybgaleen Suldaan Maxamed C/qaadir, Suldaan Daakir Xasan Khaliif, Suldaan Xuseen X Cabdi C/llaahi, Boqor Axmed Iimaan, Boqor Maxamud Cali Carab, Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Faarax, Suldaan Maxamud Axmed Sheekh, Boqor Cismaan Buurmadaw oo isagu kulankaa ku qabtay giriisa  iyo Madax dhaqameed kale.
Kulankaa lagu qabtay guriga Boqor Buur-madaw, ayaan la ogayn ujeedadiisa, waana kulankii u horeeyay ee uu qabtay Boqor Cismaan Buur-madaw tan iyo intii laga soo daayay xabsiga 18 July, isagoo xidhnaa mudo afar bilood ah. Kadib markii ay xukuumadda Somaliland xabsiga u taxaabay 15 March 2012, isagoo waqtigaa kasoo degey madaaraka Hargeysa, isla markaana kasoo laabtay socdaal uu dhinaca dalka Imaraadka ugu maqnaa.
Madax dhaqameedka Somaliland ayaa kulamo noocan oo kale ah yeeshay wakhtigii ay bilaabmeen wadahadalada Somaliya iyo Somaliland, kuwaas oo intooda baddan soo saaray baaq ay xukuumadda Somaliland ku taageerayaan wadahadalada ay la gashay dawladda Somalia, isla markaana ku baaqay inaan laga qaybgelin shirka Somalia ee lagu ansixinayo dastuurka Somalia, kaas oo ay sheegeen inaanu khusayn Somaliland.
Dhinaca kale xukuumadda Somaliland, ayaan ka hadlin kulankaa xalay ka dhacay Guriga Boqor Cismaan Buur-madaw ee magaalada Hargeysa, kaas oo u muuqda dhaqdhaaq siyaasadeed oo aan la ogayn ujeedadiisa. Iyo waxa uu la xidhiidho.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *