Hargeysa(Araweelo News Network) Boqolaal qof Lix caanamaal baadidoonayay Maydka Marxuum Nuux Imaaciil Samatar, Kadib markii Daad ka qaaday

Dooxa dacar-budhuq sadex maalmood ka hor 8 Oct, 2014, ayaa ku guulaystay maanta  in ay helaan maydkiisa.

Marxuumka, ayaa dadku ka qaaday isaga iyo Axmed Xuseen Samatar oo watay Gaadhi Lancruser ah, balse Axmed, ayaa laga badbaadiyay daadka, waxaana ugu danbayntii la geeyay Cusbitaalka Hargeysa oo weli lagu dawaynayo.

Hase yeeshee Gaadhigii ay wateen iyo Marxuum Nuux Ismaaciil Samatar, ayaa la waayay, waxaana ugu danbayntii saaka laga helay meel aan ka fogayn halka uu Dooxa dacar-budhuq Badda kaga daro.

“Sadex maalmood,ayaanu ku jiraa Baadidoonka, waxaanu nahay ilaa 200 qof oo dhalinyaro u baddan, weli waxa soconaya Biyaha, laakiin waxaan rajaynayaa in aanu helaynoi subaxnimada” sidaa waxa xalay saacadihii danbe u sheegay Araweelo News Network Naasir Afweyne Fiix oo ka mid ah dadka baadidoonayay Maydka Marxuumkaa, balse saaka ayaa la xaqiijiyay in la helay maydka Marxuumka oo loo soo qaaday dhinaca Magaalada Hargeysa.

Labada Nin ee daadku qaaday, ayaa ka yimi dhinaca Qurbaha, waxayna waqtiga maqaadiirtu la kulantay u socdeen dhinaca Magaalada Burco.

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By Arraale M. Jama

Araweelo News Network is a Associated Online Agencies established and operated by Somali senior journalists Arraale M. Jama, Araweelo News Network is a one of the most popular Somali Media Online, created by the one of the senior Journalist and human rights activist Arraale Mohamoud Jama 2010. Araweelonews is an independent non-profit and is not affiliated with any political party or group. Its mission is to inform and to educate people of Somaliand and Somali community democracy, Human rights issue, Health $ Education and awareness. Editor-in-Chief, Arraale M. Jaama Freelance Journalist and Human Rights Activist. Contact E-mail; Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *