Hargeysa(ANN)Boqolaal Ardayda Fasalada Afaraad ee Imtixaankii Shahaadiga ahaa u socday ayaa Maanta Mudaraad la hortagay qaar ka mid ah Xarumaha Dawlada, gaar ahaan Wasaarada Waxbarashada, Madaxtooyada iyo xarunta Imtixaanaadka Qaranka ee Magaalada Hargeysa. Ardaydan oo ka

cabanayay qaabka
loo soo diyaariyay Maadooyinkii Maanta laga qaadayay , isla markaana markii Imtixaanka loo qaybiyayba  ka soo dareeray Goobihii Imtixaanku uga socday, waxa ay sheegeen in Maadooyinkaasi ay ka biyo Diideen aan laga soo diyaarin Casharadii ay qaateen, halka qaarkoodna ay ku doodayeen in xalay la bedelay Imtixaankii loogu talo galay in maanta laga qaado, kaas oo sida ay tilmaameen suuqa laga helay xalay fiidkii.
Qaar ka mid ah Ardaydan Cabashada Samaynayay oo Sababta ay isu soo baxan u sameen ku sheegay inay Xalay heleen qaybo ka mid ah Imtixaankii ay maanta u fadhiisanayeen, taasi bedelkeedana ay  Saaka ku war heleen in xalayba  la bedelay Imtixaankaa, laguna bedelay Imtixaan sida ay qabaan  aan loogu talo gelin ardyada Dugsiyada Sare iyo kuwa dhexe toona oo Adag.
Mid ka mid ah Ardaydii Mudaharaadka samaynayay oo aanu kula kulnay Dugsiga sare ee Faarax Omar  ee Hargeysa hortiisa  ayaa yidhi,  “waxaanu ka cabanaynaa Imtixaankii aanu saaka geli lahayn ayaa xalay la bedelay oo wax kale oo aanan dhiganba lagu bedelay, waxaana laga dhigay Taariikhdii General, Bussines-kiina waxa naloo soo diyaariyay waxaanan dhiganba, markaa taasaanu ka cabanaynaa”.
Sidoo kale Arday kale oo isna ka mid ah Ardaydaa  ayaa ka waramay ujeedada isu soo baxooda, wuxuuna yidhi,  “Imtixaankii xalay suuqa la soo gelyay ayaa inta la bedelay, waxa naloo keenay Imtixaan 2001  la qaaday oo laga soo dhigay 2011 iyo Imtixaan kale oo Bussines ah oo aan nalooba dhigin, waxaanan doonaynaa in sidaasi naluugu qiimeeyo Imtixaanka oo aan naluguba celin, waayo waxani maaha wax aanu dhiganay”.
Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda ayaa  isku dayay inay  la hadlaaan, iyadoo wasiir ku xigeenka waxbarshada u sheegay in aanay is fahmayn oo ay doonayaan inay la hadlaan Wasiiraddii,   balse Wasiirka Madaxtooyada  Xirsi Xaaji Cali oo markii danbe u balanqaaday Ardaydaa inay cabashadooda wax ka qabanayaan, isagoo la balamay maalinta beri ah. Sidaana   ku degtay  Xiisadii  oo ay Ardaydu guryohoodii kala qabteen.

Araweelonews MObile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *