gabdhahanigeriaAbuja (Araweelo News Network)Hablo arday ah oo  laba toddobaad ka hor laga af-duubay iskuul ku yaalla gobolka woqooyi bari dalka Nigeria ee Borno, ayaa la waayay meel ay geeyeen kooxda afduubtay ee Boko xaraam ayaa

 

la rumaysanyahay in ay si khasab ah u guursadeen qaar ka mid ah hablahaa.

Dowladda dalka Nigeria ayaa ku guuldaraystay in ay ogaato goobta la geeyay hablahaa oo gaadhaya 200 oo gabdhood lagama hayo. Balse waxa jira warar isa soo taraya oo sheegaya in la iibsaday qaar ka mid ah oo guur lagu qasbay, kuwaas oo laga iibiyay rag u dhashay dalalka Chad iyo Cameroon ee deriska la ah dalkaa, iyadoo qaarkood lagu kala iibsaday $ 15 dollar.

Warar laga soo xigtay dad ku dhow deegaanka loo malaynayo in lagu hayo ayaa sheegaya in loo maleynayo in gabdhahaas lagu hayo kaynta Sambisa ee woqooyi bari dalkaasi Nigeria, balse waxa jira warar kale oo isa soo taraya oo sheegaya in la arkay gabdhahaasi oo lagu daabulayo basas, isla markaana loo sii wado xudduudaha dalalka deriska ah ee Cameroon iyo Chad.

Dadka waalidiinta ee dhalay gabdhahaa Ardayda ahaa iyo qoysaska ay kasoo jeedaan ayaa dawlada Nigeria ku canaantay sida aanay weli ugu guulaysan in ay soo furato hablaha afduubka loo kaxaysatay ee hadda xaaladoodu isu bedeshay iibka.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *