Boorame(ANN)Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland  C/raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), iyo wefdi uu higaaminayo oo ay xubno ka yihiin Wasiiro xukuumadda  ka tirsan  oo hawlo shaqo u joogay Magaalada Boorame sadxedii maalmood ee u danbeeyay ayaa soo af jaray khilaaf  dhinaca

 

dhaqanka oo mudooyinkii u danbeeyay ka taagnaa gobolka Awdal. Kadib markii ay Bulshada gobolka iyo madax dhaqameedku  ku kala qaybsanatay ugaasnimada  C/rashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi oo la doonayay in lagu caleemo saaro deegaankaa.
Shir balaadhan oo Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland iyo weftigiisii ay khamiistii  la yeesheen 36 xubnood oo laga soo kala xulay bulshada ku kala qaybsanayd Ugaaskaa oo isugu jiray salaadiinta, waxgaradka iyo cuqaasha ayaa si weyn ugu gorfeeyeen kulan  ay yeesheen sidii loo soo afjari lahaa khilaafkii ka taagnaa Ugaaska, kuwaas  oo ugu danbayntii isku raacay  in dhawaan si wada jir ah loo qabto shirweyne lagaga hadlo arrintaa ugaaska,  isla markaana laga wada shaqeeyo sidii loo caleemo saari lahaa Ugaaska. Xubnahaa ayaa sidoo kale oo la isku raacay inaan wax khilaaf  keeni kara cidina la iman ee sidaa lagu dhameeyo hawsha Ugaaska.

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo ay weheliyaan Wasiiradda Arrimaha Gudaha, Duulista Hawada iyo Beeraha ayaa  maanta Huteelka Rays qado sharaf balaadhan ugu sameeyeen ergadii heshiiska gaadhay iyo Ugaas C/rashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraalle (Duur) oo ka hadlay xafladaa ayaa sheegay in la dhamaystiray khilaafaadkii dhinaca dhaqanka ee ka  dhashay arrinta Ugaaska, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yishi, “Kulankeenani wuxuu ahaa kulankii iyo heshiiskii Khamiistii daba joogay waxaynu ku kala tagnay wanaag waxay ahayd maanta wanaagii aynu habeenimadii Jimcihii ku kala tagnay inaynu maanta ummada u baahino, laakiin meel kasta oo wanaag jiro  jin baa ku dhex jiroo,  jinkiibaa maanta inaga yara faa’iidaystay ee ALLE ha inaga qabto,waa inaynu muujinaa wanaaga iyo midnimada walaalnimadiina,”ayuu yidhi Wasiirka Daakhiliga Mr. Duur.

Wasiirka Arrimaha Gudaha  ayaa  raali gelin ka bixiyay qoraal ku qornaa warqadii marti qaadka xafladaa  oo ay xubno ka mid ah waxgaradkii goobta joogay ka muujiyeen dareen xun,  taas oo sababi gaadhay inay xaaladu ku noqoto halkeedii, wuxuuna  arrintaa  ka hadlaya yidhi,  “Intan yar ee meesha xun laga ursaday ee shaydaanku ka faa’iidaystay ee uu Xoghayaha dawlada Hoose ee Boorame qoray inanku waa wasaaradayda oo anigaa raali gelin iyo xaal ka bixiyay. Casuumadani waxay ka dhalatay oo Madaxweyne  Ku Xigeenku u fidiyay  waxgaradkii sadexda dhinac  ee Khamiistii heshiiyay,  wuxuuna  gartay in marti qaadkan loo sameeyo waxa kale oo la marti qaaday Ugaaska iyo cida la socota. Nin wanaag doonaya warqad kuma turan turoodo. Waxaan idin leeyahay inanka qoray waa wasaaradayda ee haddii khaladba ku jiray anigaa xaal ka bixiyay”
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Mr. Duur  waxa uu sheegay in heshiiskani uu guul  u yahay reer Awdal oo dhan,  balse aanu ahayn mid cid gaar ah u dannaynaya, waxaanu isagoo arrintaa ka hadlaya  yidhi “Heshiiskani guul buu inoo wada ahaa,  reer awdal oo dhan-na guul buu yahay. Waxa guulaystay ninkii lahaa tallada dhulka ha la dhigo oo ha la wada tashado, waxa guulaystay ninkii Ugaaska waday ee Ugaas dadkoo dhan ah ka dhigayay. Waxa guulaysatay xukuumadii oo danaynaysay in la soo afjaro oo faqna ku sheegtay fagaarahana ka sheegaysa  xalinta arrintaasi kala qeybsanaantiinuna dantayada ma aha.”
“Siyaasada xukuumaddu waa midnimo wanaag ragga beelaha kala kaxaynayaa ma aha siyaasadii xukuumadda, waxaan leeyahay anigoo idin bogaadinaya Suldaan Ibraahim Jaamac  Samatar Iyo Suldaan C/raxmaan Jaamac Dhawal waxaan leeyahay go’aankii aad qaadateen ee lagu heshiiyay sideedii u qaata. Waxa kale oo aan leeyahay ragga Suldaan Saleebaan u horeeyo ee tallada dhulka dhigay waxaan leeyahay sidii lagu heshiiyay arrinta u daaya,”ayuu yidhi Maxamed Nuur Carraalle (Duur).
Wasiirku waxa uu sheegay inay xukuumaddu heshkaasi ay markhaati ka tahay cidii fulin weydana aanay raali ka noqon doonin, waxaana yidhi,  “Anagu  heshiiskan  markhaati ayaanu ka nahay intaasi wixii ka duwan cidii la timaadaa iyadaa khaladka keentay.anagu xukuumad baanu nahay cidii nabadgelyada wax u dhimaysa talladayadu way ka baydhaysaa.”
Sidoo kale Wasiirka Duulista Hawada Maxamuud  Xaashi Cabdi oo ka hadlay xafladaa  ayaa  bulshada Gobolka Awdal uga mahad celiyay heshiiskan ay gaadheen waxaanu  ku tilmaamay guul u soo hoyatay shacbiga gobolkaa oo dhan,  isla markaana uu farxad iyo guul u yahay Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland ee gobolkooda ka soo jeeda.
“Waa inaad guushii aad gaadheen aynu ku ALLE barino hadal kalena ma jiro. Umadda Gobolka Awdal waxay caan ku yihiin xadaarad iyo aqoon fac weyn oo taariikhdu xusi doonto, gobolkani wuxuu ahaa halkii Somaliland looga gurmanayay marka Somaliland inteeda kale khilaaf ka dhaco, waxaan leeyahay waxaad naga furateen hawl. Anaguna Xukuumadiinii ayaanu nahay ee salaadiin iyo odayaal idiin may iman dawladuna ammaanka ayay  masuul ka tahay,  waxaana aanu idiinku nimid sidii aanu wax idiinla hagaajin lahayn,”ayuu yidhi Maxamuud Xaashi Cabdi.
Wasiirku wuxuu isagoo la dardaarmaya waxgaradka heshiiskaa gaadhay, wuxuu  yidhi,  “Waxaan idin leeyahay  wixii aad isla qaadateen ee wanaag ahaa yaanay waxba ka imanin. Anagana hawl ayaad naga furateen inaanu idin muquunino, idinkuna magaciinii iyo qiimahiinii ayaad badbaadiseen. Madaxweyne Ku xigeenkii qaranka Somaliland oo gobolka ka soo jeedayna maamuuskiisii iyo sharafkiisiina waad ilaaliseen.”
Badhasaabka gobolka Axmed Xadi Sadci, oo isaguna ka hadlay madashaa ayaa  si kooban uga  waramay ahmiyadii kulamadii lagu soo afjaray khilaafkii Bulshada gobolka Awdal ee dhinacyada isku khilaafsanaa Ugaaskaa, wuxuuna u mahad celiyay cid kasta oo ka qayb qaadatay sidii loo soo afjari lahaa muranka iyo xiisada ka aloosnaa arrintaa ee dhinaca dhaqanka.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *