Hargeysa(ANN) Badhasaabka magaalada Boorama Maxamuud Sh Cabdilaahi Cige ayaa maanta daboolka ka qaaday inuu is casilay, kadib markii sida uu sheegay ay is maandhaafeen ciidamo ka tirsan booliska oo magaladaa la geeyay. Kuwaas oo halkaa tegey markii ay xaafado ka mid ah magaalada Boorame ka dhaceen mudaharaadyo iska soo hor jeeda oo sababi gaadhay gacan ka hadal dhex mara labada dhinac.

Qayb ka mid ah xaafadaha magaalada  Boorame ayaa shalay sameeyay mudaharaad ay ku diina yihiin xubnaha golaha wasiirada ee dawlada cusub, iyadoo taas bedelkeedana ay dad kale oo ka mid kuwa degan xaafadaha magaaladu kaga  jawaabeen mudaharaadka mid ay ku taageerayaan xukuumada cusub Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.
Ciidanka amaanka ayaa dadkaa kala kexeeyay shalay, isla markaana mudaharaadyadaa ayaan inta la og yahay keenin wax khasaare ah. Hase yeeshee mar kale ayay mudaharaadka lagu macneeyay in lagu  saluugay xukuumada cusub wasiirada laga siiyay gobolkaa dib loo soo abaabulay maanta, taas oo keentay in ciidamo kuwa amaanka ah loo diro maanta si ay u dejiyaan kooxaha doonaya inay sameeyaan mudaharaadyada.
  Hase yeshee Badhasaabka oo maanta gelinkii dambe shir jaraa”id ku qabtay magaaladda Boorama ayaa sheeca ka qaaday inuu xilkii badhasaabnimo iska casilay, taas oo uu sheegay inay iska amar qaadan waayeen ciidamo boolis ah oo ku hawlanaa qaboojinta mudaharaadyada is daba jooga ah, waxaanu intaa ku daray  in talaabadani ay isku dhac keeni karto. dhinca kale qaar ka mid ah salaadiinta Boorama ayaa maanta ka hadlay dadka wada mudaharaadka waxayna ugu baaqeen inay guryohooda ku noqdaan. xubnaha salaadiinta ee ka hadlay arrintaa waxa ka mid ah, Suldaan C/raxmaan Jaamac Dhawal,Suldaan Xasan Xaddi Baade Iyo Suldaan Saleebaan Cali, kuwaas oo sheegay in aan loo baahnayn fawdada iyo rabshadaha siyaasadaysan, “wixii tabasho ah waxa ka hadlaya Salaadiinta, Odayaasha, wax garadka iyo culimada ee idinku guryihiinii qabta, somaliland calankeedu waa ka la garanayo ee looma baahna calan kale oo aan la garanayn. wax Awdal Land la yidhaahdaana ma jiraan, cida waxaa la timaadana waxa laga qaadayaa talaabo, qofka ku dhinta rabshadahaa haddii mar danbe lasoo celiyo cidi is weydiinmayso,” salaadiintaa oo kaashanaya ciidanka amaanka ayaa sida wararku sheegayaan kala kexeeyay dadkii isu soo baxay.
sidoo kale Sh.  Xasan Daheeye ooka mid ah Culimada Boorama ayaa Jimcihii oo ay kooxadani bilaabeen mudaharaadka ka hadlay, wuxuuna yidhi,  ” Dadkan carruurta soo diraya ee waxaan jirin oo aan joogin usoo dhiibaya inay iyagu hadii ay siyaasiin isku sheegayaan, maaha  inay caruurta usoo dhiibin calan aan lagaranayn meel uu kayimi ee waa inay  iyagu soo qaataan  oo banaanka u soo baxaan, ”  Sh. Xasan waxa uu sheegay in Somaliland nimadu  tahay mid muqadas ah, calanka Somalilandna yahay mid lama taabtaana, isla markaana waxa uu xusay in wixii tabasho ah  loo baahan yahay in wadahadal lagu dhameeyo oo lays dejiyo, balse aan fawdo iyo nabadgelyo xumo la abuurin.

Dadka wada mudaharaadka dhigaayey ayaa la xaqiijiyay inay siteen calan labada dhinac  buluug ah dhexdiisuna ay cadaan tahay, kaas oo ay ula baxeen Awdal Land, hase  ha ahaatee waxa mudaharaadkaas joojiyey ciidamada booliska iyo cutubyo ka tirsan ciidamada milatariga, kuwaas oo dadweynihii ku kala eryey rasaas ay kor u ridayeen.
Si kastaba ha ahaatee waxyaabaha  labadii maalmood ee u dambeeyey magaalada Boorama ayaa lagu tilmaamay in aanay ahayn cabashooyin la xidhiidha dhismaha xukuumada cusub, balse ay ku jiraan sheekooyin iyo qorshayaal siyaasadeed oo ka baxsan xayndaabka siyaasada Somaliland, kuwaas ahaa qorshayaal marka horeba meel u yaalay kooxaha wada, balse sugayay oo keliya in waqtiga doorashada laga guulaysto xukuumadii madaxweynaha doorashada lagaga adkaaday iyo in kale. Maadaama gobolka ay arrimahani ka socdaan yahay gobolka uu kasoo jeedo madaxweynaha laga guulaystay Daahir Rayaale Kaahin.
Dhinaca kale badhasaabka is casilay ayaa lala xidhiidhiyay inuu qayb ka ahaa kooxaha mudaharaadyada dabada ka riixiya, isla markaana ay xukuumada cusubi qorshaynaysay inay masuul cusub u magcawdo gobolka, kaas oo  sida wararku sheegayaan ay  u magcawday badhasaab cusub gobolkaa, basle uu xilkaa iska casilay ka hor intii aan laga qaadin.  iyadoo ay jiraan warar kale oo tibaaxaya in mudaharaadyada ka huraya Boorame laga riixayo gudaha iyo debedaba, isla markaana ay lug ku leeyihiin qaar ka mid ah masuuliyiinta xukuumadii lagaga guulaystay doorashada iyo dawlado shisheeye, kuwaas oo doonaya inay manja xaabiyaan isbedelka Somaliland iyo xukuumada cusub ee aan weli caga dhigan.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Hargeysa Office  
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *