Abuja(Araweelo News Network)Ciidanka Milateriga Dalka Nigeria, ayaa baadhtiaan ku wada qaar ka mid ah boqolaal hablood oo Bishii April ee

 

sanadkan 2014 Kooxda ka dagaalanta halkaa ee Booko Xaraam afduubteen, kuwaas oo Bishii May lagu war helay muuqaal laga soo daayay dhinaca Internetka oo muujinaya haweenkaa oo loo xidhay Xijaab kadibna qaadaya nashiidooyin Diini ah.

Sarkaal u hadlay Ciidanka Milateriga Nigeria oo lagu sheegay magaciisa Chris Olukolade, ayaa xaqiijiyay in la sii daayay qaar ka mid ah gabdhahaa, balse waxa uu Afhayeenka u hadlay Milateriga Nigeria u sheegay BBc-da in gabdhahaa lagu hayo xrun Boolis.

Mr. Olukolade waxa sharaxaad ah kama bixin sababta gabdhahaa loogu hayo xrun Boolis iyo tirada lasii daayay inta ay tahay midna, wuxuuna xusay in ay faah-faahin intaa ka badan ka bixin doonaan saacadaha soo socda.

Kooxda Boko Xaaraam ayaa dagaal weyn kula jirta dalka Nigeria, iyadoo dhowaan qabsatay qaybo ka mid deegaamo muhiim ah oo dhaca dhinaca Woqooyi Bari ee Dalkaa, halkaas oo ah deegaamada ay hore uga sameeyeen afduubaka gabdho badan, iyadoo dagaalo waaweyn ka dhaceen maalmihii lasoo dhaafay deegaamada dhinaca Woqooyi Bari ee dalkaa.

Tirada gabdhahaa oo gaadhaysa 234 hablood oo kooxda Boko Xaraam ka Afduubtay April 2014, balse mar kale ayay tiro kale oo Haween ah Kooxda Booko Xaraam ka afduubtay deegaanka galbeedka dalka Naigeria ayay dawlada Nigeria ku guuldaraystay in ay soo furato.

Dawlada Naigeria iyo dunida kaleba waxa layaab ku noqday markii laga soo daayay shaashadaha boqolaal hablood oo ahaa kuwa kooxda Booko xaraam afduubeen laba bilood ka dib la arkay iyagoo ku lebisan dharka Xijaabka ee ay caanka ku yihiin haweenka Islaamka, isla markaana qaadaya nashiidooyin.

 

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *