Hargeysa(ANN)Guddoomiyihii hore ee Baanka dhexe ee Somaliland Cabdiraxmaan Ducaale ayaa xayiraad lagu soo rogay dhaqdhaqaaqa socdaalkiisa. Kadib markii hantidhawrka guud ee qaranka oo baadhis ka waday maalmihii u danbeeyey Baanka dhexe

qoraal ay u gudbiyeen kaga  codsadeen inuu goob joog ka noqdo natiijada baadhistaa.
Xayiraada lagu soo rogay safarka gudoomiyihii hore ee Baanka C/raxmaan Ducaale ayaa ka danbaysay. Kadib markii Hanti dhawrka guud ka war heleen safar gudoomiyuhu ku doonayay inuu dalka kaga baxo maalintii shalay.
Cabdiraxmaan Ducaale, oo ahaa gudoomiyihii hore ee Baanka ayaa ku tilmaamay arrintaa mid aargoosi siyaasadeed ah, isla markaana sharaftiisii meel kadhac lagu sameeyay.
Hase yeeshee sida uu Idaacada BBC, laanteeda Afka Soomaaliga u sheegay Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa xaqiijiyay inay gudoomiyaha qoraal ay kaga codsanayaan inuu goob joog u noqdo baadhistaa, isla markaana aanu dalka ka bixin inta ay baadhistu socoto, si su’aalo looga weydiiyo baadhistaa iyo wixii loo baahdo.
Hanti-dhawrka guud oo todobaadyadii u danbeeyey ku hawlanaa baadhitaanno xoogan oo ay ku hayaan qaar ka mid ah hay’adaha dawladda iyo dabo-galka masuulliyiintii xilalka ka hayay intii aan xukuumadda cusubi xilka ka qaadan, ayaa qaarkood looga yeedhay hanti-dharka oo lagu weydiinayay su’aalo iyo xog-waran ku saabsan hay’adihii ay masuulka ka ahaayeen.

Guddoomiyaha Hanti dhawrka Qaranka Maxamuud Aw Cabdi maanta u waraamay laanta Afsoomaliga ee Idaacadda BBC-da, waxa uu  sheegay inay ku gudo-jiraan baadhitaanno ku saabsan Baanka Somaliland, islamarkaana ay hore u baadheen ha’ayado badan iyo wasaarado ka mid ah kuwa qaranka, taas oo ah shaqadooda. Sidaa awgeed uu Baanku ka mid yahay Ha’yadaha  la baadhayo, maadaama Baanku yahay meesha xisbaaha oo dhami marayaan, mana jirto ayuu yidhi sabab tafaasiir kale loogu tilmaamo hawshayada iyo shaqadayada, isla markaana, wuxuu Hanti dhawrha guud meesha ka saaray dooda Gudoomiyihii hore ee Baanka Dhexe, isagoo yidhi, “Masuulka la baadhayo hawshii uu qaranka u hayay waxa waajib ah inuu goob joog u noqdo baadhistaa, waxaana hore u jiray baadhitaano wasaaraddo lagu sameeyay. Sidaa darteed ma jirto sabab xoriyada looga qaado gudoomiyihii hore ee Baanka Cabdiraxman Ducaale, balse ay tahay sharciyan inuu goobjoog ka ahaado inta baadhitaankoodu uga dhammaanayo. Anaguna markii aanu ogaanay inuu baxayo waxaanu u qornay qoraal aanu kaga codsanayno inuu goob joog u ahaado natiijada baadhistaa.”
Hanta dhawrka guud waxay maalmihii u danbeeyay tan iyo markii la magcaabay ku guda jireen baadhitaano ku wajahan xisaabaad iyo lacago ku saabsanaa deymo fara badan oo xukuumadii hore ee Daahir Rayaale wareejisay, waxayna baadhitaanadaasi sababeen in la joojiyo lacago laga qaadi jiray caruurta Dugsiyada dawlada, lacagtaa oo ahayd mid saraakiisha wasaaradda waxbarashadu qaadan jireen, balse aanay ahayn mid uu jideeyay sharci.
Si kastaba ha ahaatee baadhitaanada ku wajahan dhinaca xisaabaadka ee uu wado hanti dhawrka  guud, waxay noqdeen kuwo ay wadnaha farta kaga hayaan saraakiishii iyo masuuliyiintii xukuumadii laga guulaystay ee Daahir Rayaale Kaahin, kuwaas oo laga cabsi qabo inay afka uga galaan baadhitaanadaasi.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *