Saax-dheer(Araweelo News Network)Alla ha u naxriistee waxa maanta toogasho lagu dilay Askari ka tirsanaa Ciidanka Qaranka Somaliland ee ku sugan

 

fadhiisinka jiida hore ee Saax-dheer oo ka tirsan Gobolka Sool, isla markaana dhinaca Koonfur Galbeed kaga beegan Laascaanood.

Warar hordhac ah oo shebekada Araweelo News Network heshay ayaa sheegaya in Askarigaa oo lagu naanaysi jiray Cabdi Liji lala beegsaday tacshiirad rasaas ah xili ay isaga iyo dhawr askari oo la socday adeeg u doonteen Tuulada Saax-dheer, waxayna wararka hordhaca ahi intaa ku darayaan in cidii fulisay falkaa aan la qaban oo ay baxsadeen, iyadoo aan la ogayn tirada dablaydaa toogatay Askariga, balse tacshiirad ay kaga jawaabeen ciidanka la socday Askariga la dilay, ayaa sababtay dhaawaca laba haween ah oo ka mid ah dadka Tuulada Saax-dheer.

Taliska Ciidanka Qaranka Somaliland, ayaan weli ka hadlin dilka Askarigaa oo ka mid ahaa Mujaahidiintii SNM, isla markaana ka tirsanaan jiray Guutadii Seyid Cali ee SNM.

Wixii kasoo kordha kala soco Araweelo News Network

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *