somalimemo.netBaydhabo(ANN)Al Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday Bar Kontarool oo Ciidamada dolwadda  ay ku leeyihiin  Magaalada Baydhabo Gaar ahaan deegaanka loo yaqaanno Goof Gaduud  ee Gobolka Bay, iyadoo ay ciidamo Ethiopian ah

 

ku sugan yihiin gobolka Bay.

wararka qaar ayaa sheegaya in weerarka lagu qaaday goobta Kontaroolka ee Ciidamadda dowladda ay ku leeyihiin Deegaanka Goof Gaduud ee Gobolka Bay ay inta la ogyahay ku geeriyoodeen illaa 3 qof tiro intaa ka badanna ay ku dhaawacmeen,  iyadoo dhinacyada halkaa ku dagaalamana ay Guulo kala sheegteen.

Sidoo kale Kooxo hubeysan ayaa xalay weerar ku qaaday Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay,  iyadoo oo ay ku sugnaayeen halkaa Ciidamo Ethiopian ah iyo dowladda Soomaaliya.
wararka qaar ayaa sheegaya in Khasaare dhimasho ka dhashay.

Weeraradaa ayaa kusoo beegmay xilli Magaalada Baydhabo ay ku suganyihiin Masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya,  kuwaas oo halkaa la tashiyo la doonayo sidii Maamul loogu sameyn lahaa  Gobolkaa leh Waxgaradka iyo qaybaha Bulshada ee deegaankaa.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *