sawir diyaarad1Gal-guduud(Araweelo News Network)Al-shabaab ayaa sheegatay in ay dhulka soo dhigtay Diyaarad nooca loo yaqaan Helekoptarta oo saad u siday Ciidamada Ethiopia ee ku sugan

 

Ceelbuur iyo Gal-guduud oo ka tirsan deegaamada ay gacanta ku hayaan ciidamada Ethiopia ee ka hawlgala Somalia.
Afhayeenka Al-shabaab Sh. Abu Muscab oo warbaahinta la hadlay maanta ayaa u sheegay in ay ciidamadoodu galabtii Jimacaha ee lasoo dhaafay tacshiirado rasaasta lidka diyaaradaha ah la beegsadeen Diyaarad Helekobtar ah oo ay lahaayeen Ciidamada Ethiopia, taas oo sida uu sheegay maraysay deegaanka Ceelbuur, iyadoo ka mid ahayd diyaarado saadka u geeya Ciidamada ku suagan Hiiraan iyo Gal-guduud oo sida uu sheegay ka mid ah deegaamada ay godoomiyeen Al-shabaab.
Abu Muscab, waxa uu sheegay in ay tan iyo Jimcihii badigoobayeen halka ay kusoo dhacday Diyaaradaa oo sida uu ku dooday lala helay tacshiirad rasaas ah, isla marlaana iyadoo qiiqaysa u carartay deegaanka Gal-guduud, balse aanay helin halka ay raqdeedu kusoo dhacday.
Ciidamada Dawlada Ethiopia ayaan wax war ah kasoo saarin sheegashada Al-shabaab ee diyaaradaa.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *