San’a(Araweelo News Network) Kooxda Al-Qadida Yemen ee Ansaaru Shareeca, ayaa weerar la beegsaday Dhismaha Saafarada Maraykanka ee Yemen. Kadib

 

markii Gantaal nooca loo yaqaan M72 ee loo adeegsado Taangiyada oo laga soo ganay Gaadhi lala beegsaday dhismaha Safaarada Maraykanka ee Sanca.
Saraakiisha Amaanka Yemen, ayaa xaqiijiyay in in ugu yaraan lab ka mid ah Ilaalada Safaarada Maraykana ay ku dhaawacmeen gantaalkaa oo sida ay sheegeen laga soo riday meel qiyaastii 200mtr u jirta dhismaha Safaarada Maraykanka, balse dawlada Maraykanka ayaa dhinaceeda sheegtay in aanu jirin shaqaale ka hawlgala safaaarada oo ku dhaawacmay weerarkaa iyo khasaare kale oo loo geystay.

Hase yeeshee Al-Qaida Yemen ee gasriida Carabta, ayaa ku faafiyay bogga ay ku leeyihiin Twitter-ka in Gantaalka lala beegsaday dhismaha Safaarada Maraykanka  uu sababay dhaawaca dhawr ka mid ah shaqaalaha Safaarada, isla markaana khasaare u geystay gaadiidka Safaarada iyo dhismaha, waxayna sheegeen in weerarkaasi uu jawaab u ahaa. Kadib markii Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanku Jimcihii dhinaca deegaanka Joof ee Woqooyiga duqayn dhinaca cirka ah dhaawacyo hali ah gaadhsiiyeen caruur yar yar, balse dad ku sugan deegaanka Joof ee diyaaradaha Maraykanku duqeeyeen Jimcihii shalay, ayaa laga soo xigtay in lab aka mid ah Al-Qaida lagu dilay duqayntaa, isla markaana laba kale lagu dhaawacay. Sidoo kale waxay sheegeen in weerarkaa  Maraykanka dhaawacyo kasoo gaadheen caruur yar yar.

Weerarka Safaarada Maraykanka ee Sanca, ayaa kusoo beegmay iyadoo xaalada Dalka Yemen, gaar ahaan Caasimada Sanca xaaladeeduu kacsantahay, iyadoo Malayshiyada Xuutiyiinta ee inta badan haysta Magaalada Sanca maanta weerareen guriga Taliyaha Sirdoonka Dalka Yemen.

Dhinaca kele Madaxweyneha Dalka Yemen, ayaa ka dayriyay xaalada dalka Yemen. Kadib markii waxba ka socon waayeen heshiishkii la gaadhay todobaadkii hore ee dhigayay in muddo sadex maalmood ah lagu soo dhislo dawlad loo dhanyhayay, taas oo meesha ka baxday, isla mrakaana ay xaaladu faraha kasii baxay, kadib markii Malayshiyada Xuutiyiintu qabsadeen inta Hay’addaha Dawlda ee Caasimada, Dhismaha Baarlamaanka, Bangiga Dawlada, Jaamacaddaha, Xeryaha Milateriga iyo gebi ahanaaba dhulka muhiiimka ah, waxayana dhegaha ka furaysteen Malayshiyada Xuutiyiintu in ay ciidamadooda ka saaraan Caasimada dalka ee Sanca.

Xukuumadda Madaxweyne Abdo Rabbuh Mansur Haddi, ayaa sheegay in xaaladu isu bedelikarto dagaal sokeeye oo dhinaca Qabaailka ah, wuuxna  hadda u muuqata mid aanay waxba gacanta ugu jirin. Kadib markii uu is casilay raysal wasaarihii Dalkaa Mohammed Basindawa oo xilka isaga tegey markii ay Todobaadkii hore Malayshiyada Xuutiyiintu la wareegeen inta badan Caasimada Dalka Yemen.

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *