Hargeysa(ANN) Agaasimaha Waaxda Duurjoogta ee Wasaaradda Deegaanka iyo horumarinta Reer Miyiga Maxamuud Ibraahin Maxamed, ayaa isticmaalay awood aanu lahayn oo uu ku ogolaaday in Nin  u dhashay Dalka Imaraadka Carabta oo

uu magaciisa ku sheegay Sheekh Khaalid Al-haajiri dalka lasoo galo 15 Shinbirood oo kuwa lagu ugaadhsado ee tababaran ah.
Sidaana waxa lagu sheegay qoraal shebekadda wararka ee Araweelonews.com heshay oo sumadiisu tahay Ref: MoERD/WD/04/11/2012, isla markaana ku taariikhaysan 19 January  2013, kaas uu qoray Agaasime waaxeedka Duurjoogta ee Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reermiyiga, isla markaana uu ku socodsiiyay Maamulaha Madaarka Berbera, isagoo Ogaysiina siiyay Agaasimaha Guud ee wasaaradda Deegaanka Horumarinta Reer Miyiga iyo sidoo kale Wasiirka Wasaaradda.

Qoraalka Agaasimee Waaxeedka Duurjoogta, wuxuu u qoray sidan:-
“Waxaan halkan idinkula socodsiinayaa in aan u faxsnay Sheekha Imaraatiga ah ee magaciisu yahay Sheekh Khaalid Al-Haajiri in uu lasoo galo 15 shinbirood oo uu ku ugaadhsado mudada sadexda maalmood ah ee uu wadanka joogo.” ayuu ku yidhi qoraalka.

Agaasime Waaxeedka Duurjoogta ee ku saxeexan qoraalka oo magaciisu yahay Maxamuud Ibaraahin Maxamed, wuxuu baarigaraafka labaad ee qoraalka uu ku ogolaaday ugaadhsiga khayraadka dalka ku yidhi, “waxaana raaci doona agaasimaha waaxda Duurjoogta ee Wasaaradda deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga” , waana isla isagii ka raacaya sheekha uu sheegayo masuulka racaaya mudadda uu joogo ee uu ugaadhsiga ku jiro.

Qoraalka Agaasime Waaxeedka waxa ka muuqda isticmaal awood aanu lahayn iyo sida masuuliyiinta qaarkood ugu tagri falaan masuuliyiida wasaaraddaha, ama xafiisyada ay joogaan. sidoo kale waxay warqadani muujinaysaa khaladaadka iyo maamul xumada xafiisyada wasaaraddaha dawlada qaarkood iyo sida khayraadka dalka agaasime waaxeed aan awood u lahayn oo baalmarsan sharciga iyo xeerarka dalka qoraal ugu fasaxayo qof ajaanib ah inuu dalka lasoo galo shinbiro uu ku ugaadhsado khayraadka dalka, iyadoo xeerka golayaasha sharci dejintu ansixiyeen dhawr sanandood ka hor si cad u qeexay cida awood u leh inay bixiso ugaadha iyo khayraadka dalka iyo cadadka la bixin karo.

Dhinaca kale Agaasime Waaxeedka Maxamuud Ibraahin Maxamed oo xiligii xukuumaddii Daahir Rayaale wasaaradda deegaanka ka ahaa Isu duwaha Gobolka Awdal ee wasaaradda, waxa uu wasiirkii xiliggaa Fu’aad Aadan Cadde ku amray Taliyaha Ciidanka Denbi Baadhisita ee CID in lasoo qabto masuulkaa, isla markaana lagu sameeyo baadhis, sida uu wasiirku ku sheegay qoraal sumadiisu tahay WMH/02/8/2008, isla markaana ku taariikhaysan 13/2/2008.

Qoraalkaa oo uu ku saxeexanyahay Wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Miyiga Iyo Deegaanka Fu’aad Aadan Cadde, waxa uu ogaysiin ku siiyay Taliyaha Ciidanka Booliska, Hantidhawrka Guud iyo Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo ku eedeeyay Masuulkaa inuu fasax kasoo dalbaday, balse markii sida lagu sheegay qoraalka wasiirka lagu amray masuulaa inuu xilka ku wareejiyo ku xigeenkiisii uu qalabkii xafiiska siiyay dad deyn ku lahaa. sidaaa awgeed maaha wax la aqbali karo waana inaad qabataan Ninkaa (Maxamuud Ibraahin Maxamed) oo arrintaa baadhaan ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Miyiga Iyo Deegaanka Fu’aad Aadan Cadde.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *