Hargeysa(ANN) Afhayeenka madaxtooyada Somaliland  Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa ugu baaqay shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan inaanay hoos uga soo dhicin waddaniyadii,xamaasadii iyo qiiradii ay muujiyeen dabaal-degii xuska 20-guuradii kasoo

 

wareegtay dib ula soo noqoshada madax-banaanida Somaliland ee 18May oo sannadkan 2011 si aan hore loo xusin looga xusay guddo iyo dibadba,taas oo uu ku tilmaamay inay dhirbaaxo ku noqotay cadowga Somaliland.

Afhayeenka madaxtooyadu  wuxuu sidaa ka sheegay mar uu saxaafada ugu waramayey qolka nasashada ee Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal International Airport ee Magaalada Hargeysa, kadib markii ka soo
noqday dalka Ingiriiska oo uu kaga qeybgalay Xuska 18 May oo uu
halkaasi ka jeediyey khudbad uu wakil kaga ahaa  madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanayo) dadka qurba-jooga, gaar ahaanshacabka ku dhaqan waddanka Ingiriiska.
Afhayeenka madaxtooyada Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir
(Cukuse) waxa uu yidhi “Waxaan ka waramayaa halka ay Somaliland
maanta mareyso iyo dareenka dibadda yaa waxa uu yahay,waxa la arkay oo
cid kasta oo cadow ku ah Somaliland dhirbaaxo ku noqday dabaaldegii
xuska 20aad guuradii 18 May oo dunidda caalamka oodhan, iyo daafaha
dunidda meelkasta oo ay reer Somaliland joogaan sidii la yaabka laheyd
ee ay u dhacday,xamaasadii iyo qiiradii waddaniyada laheyd ee ay
shacabku muujiyeen sida ay uga adag yihiin in qadiyadooda gooni isku
taaga qaranimada Somaliland”
Isaga oo hadalkii sii watana waxa uu yidhi “Taas ayaa waxay dhirbaaxo
ku noqotay aanu markale ka soo kacaynin cidkasta oo cadow ku ah
Somaliland.”
Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse)
waxa uu u mahadnaqay jaaliyadaha reer Somaliland ee ku nool dalalka
Ingiriiska, Ethiopia, iyo Jabuuti: “Jaaliyadahaasi waxay muujiyeen
sidii aad shaashadahaba ka arkeyseen dareen ama ay saxaafada kaleba
idiin soo gudbisay dareen la mid ah oo weliba aad moodo inuu ka sii
kuluul yahay kii Hargeysa yaalay, Waxay aad ugu faraxsan yihiin oo ay
dadkaasi ku nafiseen midnimada ay muujiyeen shacabka reer Somaliland
dabaaldegii xuska 20aad guurada 18 May iyo sida ay xanaftii,
turxaantii, iyo tashuushkastaba uga maydhmayn oo ay ugu midoobeen inay
meel uga soo wada jeestaan muujinta waddaniyadooda iyo ku adkeysiga
qaranimada Somaliland ayaa dadkaasna farxadgelisay” ayuu yidhi.
Mar uu Afhayeenku la hadlayey qaabka ay Mareegaha Internet-ku wararka
u tabiyaan ayaa waxa uu yidhi “Waxaan kula dardaarmi lahaa qolooyinka
Website-yada, oo aan ka dalban lahaa inay uga tidhaan warar badan oo
ay qaarkood qoraan dadka qurbaha ah,anigu maan dhoofi jirin doorkan
ayaan dhoofay sow dhibaato ayey innagu qabeen qolodayada saxaafada
dadka dibada jooga, warar badan ayaan akhriyey oo Website-yo badan
ayaan galay warkani warkii Hargeysa yaalay maaha,waxaad arkaysa warkii
oo nin dhalinyo ahi Website-kii uun ku shubay oo uu dareen isaga ku
dhashay ama farxad iyo jacayl mid uun u gaara muujiyey,mawada lihii
waxaas ayey qorayeen,laakin qaar badan oo dareenka dhabta ah ee
Hargeysa yaala qorayey ayaa jiray.Markaa waxaan odhan lahaa dadkiina u
tudha oo ka daaya kuwa maqan (dibada) caloolyowga aad gelinaysaan
mararka qaar”
“Aad ayaan u amaanayaa saxaafadda madaxa-banaan iyo ta
qarankaba,waxaanan ku amaanayaa sidii fiicnayd ee ay qudhoodu doorkii
ay ka qaateen xuska dabaaldaga,waxaanan ku dhiirigelinayaa saxaafadda
imika wixii ka danbeeya ay tahay inay saxaafaddu u midowdo sidaa uu
shacabkuba uu u midoobay inay dadka nabad ku hayaan,inay dadka ku
hayaan midnimo,inay dadka ku hayaan calool fayoobi,taas ayaanay
suxufinimadu ku jirtaa wadaniyaduna ay ku jirtaa”ayuu yidhi Cabdilaahi
Maxamed Daahir Cukuse.
Cukuse waxa uu shacabka reer Somaliland kula dardaarmay oo uu
yidhi“Waxaan shacabka kula dardaarmayaa inay wadaniyadaasi iyo qiirada
xuskii 20-guuradii 18 May hoos uga soo dhicin ee ay halkaasi ka sii
wadaan.”
“Qolodaasi taageera qadiyada Somaliland maalintii 18 may ee loo
dagaabdagayey 20-guurada baarqab ayey ahaayeen, halka xuska lagu
qabanayey waxay ahayd aqalka Baarlamaanka dalka Ingiriiska hortiisa
xubnaha baarlamaanka oodhami way soo tunaayeen oo dadka way
daawanayeen,xubno ay soo direen baarlamaanka ayaa nagala qeybgalay
dabaaldega,shacabka reer Somaliland way u hiiliyeen wixii ay u
dagaalami jireen oo way tuseen inuu xaq yahay”ayuu yidhi Cabdilaahi
Cukuse oo ka jawaabayey miisaanka ay dadka taageera gooni isku taaga
Somaliland ku la haayeen xuska dabaaldegii 20- guurada dibula soo
noqoshada madaxbaaninada Somaliland,
“Waxa loo dhiibay qoraal oo waxaana jaaliyadaha u balanqaadeen inay
hor dhigayaan dawlada Ingiriiska”ayuu yidhi Cabdilaahi Cukuse.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *