-
Published On: Wed, Apr 6th, 2011

Aasaaskii SNM, Dhawaaqii London Iyo Xusuusta Soddon Sannadood Ka Dib Waxyaabaha Ay Maalintani Nasiibka U Yeelatay Ee Kaga Duwan Tahay Xuska Munaasibadaha Maalmihii Hore

Smiley face
Share This
Tags

Hargeysa (ANN)Xaflad balaadhan oo lagu maamuusay xuska sannad guurada 30-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Ururkii SNM oo  ku beegan 6 April. Kadib markii lixdii April  1981 lagaga dhawaaqay magaalada London ee cariga  Ingiriiska, ayaa maanta lagu qabtay xarunta Hay”adda

shaqaalaha ee magaalada Hargeysa.
Dabaaldega xuskaa  waxa ka soo qeyb galay masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somaliland, saraakiil ka mid ahaa hogaamiyaashii SNM,  xisbiyada siyaasada iyo boqolaal qof oo ka socday qaybaha kale ee bulshada iyo qaar ka  mid ah mujaahidiintii iyo agoomihii ururkii SNM.
Gudoomiyaha Sooyaal Xasan Cabdi Axmed, oo sheegay in xuska maalintan aasaaska ururkii SNM keenay halgankii qadhaadhaa ee dalka lagu xoreeeyay, islamarkaan mujaahidiintii SNM Intii ku shahiiday mooyee intii dhawaaca ahayd iyo agoontii daryeel helin,
Guddoomiyaha Sooyaal oo ka hadlayay  ahmiyada uu u leeyahay mujaahidiinta SNM wuxuu yidhi  “Maanta waxaynu joognaa 6-dii April ee ka soo wareegtay sanadguuradii 30-aad markii SNM la aasaasay 6-dii April 1981-kii, toban sano waa la halgamayey labaatan sano-na wadanka ayaa la haystay, tobankaa sano ee la so halgamayey ninkii dhaawcmay wadanka ayuu yaalay meel looma dirin, intii hore wuxuu sugayay wadanka marka xoreeyo si uun baa lagu odhan doonaa.Labaatan sano ayaynu wadanka haysnay goormaa si la odhanayaa, taladeenii waxay noqotay maalinba siyaasada taagan uun in laga hadlo, laakiin shalay wixii la soo maray dib looma raaco, anagu ka mujaahid ahaan maanta waanu soo taagan nahay bacdamaa maanta gudoomiyihii SNM madaxweynaha JSL yahay Axmed Siilaanyo, maanta waxaanu diyaar u nahay bulshada qaybaheeda kala duwan ganacsatada, Culimaa’udiinka, aqoonyahanka rag iyo dumar-ba gacmaha in la is qabsado, waayo biriishkaa xukuumadi ma dhisin ee gacmahaa dadka loo mariyey, hal dollar ninka maalintii meel dhigo ee la is kaashado dhaawaca iyo agoon daryeel la’aataa ma jirteen, imikana ka Sooyaal ahaan qorshe ayaanu haynaa waa in wax lala qabtaa”
Mujaahid Prof. C/salaan Yaasiin Gabay-xadi oo ka mid ahaa aasaasayaashii SNM, oo munaasabada xuska hadal kooban ka jeediyay, waxa hadalkiisa ka mid ahaa “Maanta 6 April 2011-ka sodon sano ka dib waxaynu ka joognaa 6-dii April 1981-kii, haddii SNM la aasaasay bal aynu is yara dul taagno taariikhda aynu is weydiino SNM maxay khayr keentay, maxayse shar keentay, khayrka aynu ku horayno. Khayrkay SNM keentay in dad xor ah, dal xor ah iyo dawlad xor ah, xoriyadu waxa weeyaan wax Ilaahay Bani’aadamka oo dhan u jideeyay marka uu dad Muslim ah inaga dhigay, markaa in dadku ay xor noqdaan, qofku inuu dhinto oo xoriyad u dhintaana waxa weeye waxyaabaha ugu qiimo badan.”
“Midawgii fashilmay ka dib sodon sano ayaynu kula soo noqonay madax-banaanideenii oo xor baynu nahay haddii la in aictiraafo iyo haddii aan la ina ictiraafin-ba dalkan inagaa leh oo ma yeelayno adoonimo dambe,”ayuu yidhi Md. Cabdi-salaan Yaasiin isagoo hadlkiisa sii watayna wuxuu yidhi  “Sharkeena ugu weyni wuxuu ahaa khilaaf waana ka dadka muslimiinta ah oo dhan ka dhaca, khilaafku ra’yiga markay tahay ee meel la fadhiyo ee la doodayo wax wanaagsan baa ka dhasha, maxaa khilaafku ka imanayaa? Waa markuu xukunka ka yimaado, xukunkuna sida cuntadaa dadku u wada jecel yahay, oo qof wal oo inaga mid ahiba in la amaano wuu doonayaa, haddii la yidhaahdo imika kaalay kursiga ku fadhiiso qof walba wuu doonayaa, laakiin waxa weeye qaniimadaasi in la xakameeya bay u baahan tahay.”
Prof C/salaan Yaasiin mar uu ka hadlayay isbedelada carabta ka dhacaya waxa uu yidhi “Waxa dhacday kacaankii carabtan imika dagaalamaysaa waxyaalaha ay ku dagalaamayaan baa la yidhaahdaa waa kacaanka yaan la idinka xadin, kacaanka waa la xadaa , kacaanka baylahdeenii intaynu baylihinay ayaa la inaga xaday oo qoladii aynu la dagaalamaynay ragii la shaqaynayey ee ka yimid ay inaga qaadeen oo ay ina xukumeen, yaa taa ceebteeda lahaa? Ma inaga mise iyaga? Inagaa lahayn, markaa waxa weeyaan inaynu ogaano inaanay mar dambe inagu dhicin taasi.Imika ragii SNM hogaaminayay waa kaa ku soo noqday labaatan sano dabadeed, inay sidaa u hogaamiyaan weeyaan.”
Mujaahid C/salaan Yaasiin, waxa kale oo uu ka hadlay mujaahidiinta iyo agoomaha bilaa daryeelka ah iyo in la soo ururiyo, islamarkaana la qoro taariikhda SNM, waxa uu yidhi “Waxa weeyaan mujaahidiintii iyo agoontii baynu dayacnay, waa in la daryeelaa, suuqa ayay mujaahidiintii iyaga oo daranyeysan meeraysanayaan, waa ha loo guntado, madaxweynaha waxaan u soo jeedinayaa xarunta Sooyaal inuu dhisme dabaqyo ah ka dhigo, taariikhda SNM-na la qoro.”
Sidoo kale waxa xuskaasi hadal kooban ka jeediyay Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed oo ka mid ahaa saddexdii sarkaal ee u horeeyay ee u talaaba Itoobiya ee SNM, waxa hadalkiisa ka mid ahaa “Waxaynu ognahay ummad waliba taariikh bay leedahay, Somaliland taariikh fiican bay leedahay oo lagula dagaalamay Ingiriiskii oo xoriyadii 60-kii lagu dhaliyey bay lahayd, SNM-na waxay ahayd halgankii labaad ee xoriyadii dib loogu soo celiyay. Waxa lagama maarmaan ah in taariikhda la ilaaliyo, waxaynu ognahay maanta ma waxaynu odhan karaa dadka soomaaliyeed ee aynu Soomaalida isku nahay ee dawlada wada ahayn, hadaynu reer Somaliland nahay ma waxaynu odhan karnaa waynu ka wanaagsanayn, ka muslinsanayn, maxaynu odhan karaa? Waxaan qabaa farqiga meesha jira ee kana nabad ka dhigay ee xusaskan quruxda badan iyo nabadu u taalo, Xamar iyo hareeraheedana waxa la ogyahay ka socdaan waa bisaylkii siyaasadeed, waa hogaankii, waa garashadii Mujaahidiintii SNM ku dhaqday dalka inay xoriyada aabo iyo hooyo ugu yihiin ayay nabada maantana aabo ugu yihiin.”
Maxamed Kaahin mar uu ka hadlayay qiimaha xuskani u leeyahay Mujaahidiinta, islamarkaana qiime weyn ku fadhiyo, waxa uu yidhi “Hadraawi ayaa waxa uu yidhi, “Mujaahidka naafada ahi naafo-nimadiisa ha ku faano, qiime xusku qiimo ayuu leeyahay in lagu xasuustaa mujaahid, Jaraa’id inaad aragteen mooyee waxa la xusayay Maraynkan ninkii ugu dambeeyay dagaalkii labaad ee aduunka eek u dhintay, lama xusanaynin ninkii maraykan ugu xoolaha badnaa ee dhintay, waxa la xusayay ninkii maraykanka u dagaalamayey, markaa taariikhda ku faan, cabashada SNM-tu ha dayso haday arkaan nin wata gaadhi yar oo qurux badan ha odhanin kani muxuu ahaa waa midhahaagii ku faan.”
Waxa kale oo xuskaasi ka hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, waxaanu tafaasiil ka bixiyay marxaladihii halgankii dib u xoraynta dalku soo maray, waxaanu sheegay inay xukuumadda cusub ee Somaliland ay danaynayso wax loo qabto mujaahidiintii, agoomihii iyo  naafadda SNM.

Wuxuuna isagoo ka hadlaya halgankii iyo himiladii Ururka SNM yidhi, “Waxay himilladoodu ahayd in qaran cadaalad iyo dimuquraadiyad ah la hello, waxaana hor taalay nolol adag oo musuq maasuq cadaalad darro ku dhisan. Waxay ujeedadoodu ahayd oo ay dhiigooda u hureen, in dimuquraadiyad sinaan iyo cadaalad la hello. Sidaas awgeed, waxaynu hiigsaneynaa way ka balaadhan tahay nolol maalmeed waa qarankaa maanta caalamku ammaanayo ee wufuuda iska soo daba-dhacaysa aad arkaysaan, su’aalaha maanta caalamku is weydiinayaana waxaa ka mid ah, siddee ayaad halkan ku gaadheen. Guulahaana waxa dhaliyay, raga aan idiin sheegay ee qaar nool-yihiin, qaar geeriyoodeen kuwana dhaawacmeen. Markaa waa in himiladeenu noqotaa in ka gaadhi qurux badan watta uu gaadhigiisa wato inana aynu mid ka sii qurux badan kaxaysano. ..Horena dhaqankeena ugumay jirin, in aynu ka masayro wax qof kale wato, himiladeenu waa in ay noqotaa qaran qani ah oo cadaalad ah, markaas ayaynu wixii SNM u soo halgantay dhadhan yeelanayaa.
Waxaan idiin sheegayaa, umad walba halgankeedu waa sil-silad., ilaa maalintii gumaysigii ingiriiska ragbaa dhiigooda hurayay oo hanti ku bixinayay waana sil-silad taxane ah, halganka SNM-na meel dhumuc leh ayuu ka galayaa, dhamaantoodna waa la xusayaa. Waxaa halkan fadhiya Boobe oo taariikh badan haya, mid wal oo taariikhdaas ka mid ahna quruxdeeda ayay yeelanaysaa taas ayaanay ku jirtaa danta Somaliland.”

Waxa  kaloo iyaguna  ka hadlay munaasibadaa  Guddoomiye Ku Xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Cabdi-raxmaan   C/Qaadir  waxaanu ka hadlay aasaaskii SNM iyo marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray halganka loo soo galay dalka.

Dhinaca kale Xuska sannad guurada sodonaad ee loo qabtay dhawaaqii ururka SNM ee xoreeyay Somaliland lagaga dhawaaqay London sodon sannadood ka dib ayaa ahaa kii ugu weynaa ee maalintan oo kale lagu xuso, iyadoo ay waqtiyada qaar dhici jirtay xiligii xukuumadii hore ee Madaxweyne Rayaale in aan la ogolaan xuskaa. Laakiin xuska munaasibadan ayaa kusoo beegmay iyadoo uu Madaxweynaha talada haya ee Axmed siilaanyo yahay gudoomiyihii ugu mudada dheeraa ee hogaaminayay ururkaa, taas oo noqotay inay munaasibada 6 April 2011 noqoto mid ka nasiib baddan munaasibadii hore ee sida kooban loo xusi jiray, ama mararka qaar aan la ogolaan jirin, kuwaas oo ku beegmay xili ay xilka hogaanka dalka hayeen Madaxweynayaal aan iyagu ku suntanayn taariikhda halgankaa.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
1
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

About the Author

-

Displaying 1 Comments
Have Your Say
  1. Mahamed omar says:

    Waxaan ahay ardey dhigta dugsiga sare ee Somaliland jecelna wax akhriska

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>