Baraawe(Araweelo News Network) Dagaalyahanka Al-shabaab, ayaa weerar dab-xidh ah oo dhinaca Cirka ah ku qaaday Diyaarad siday

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu hogaaminayay oo maanta booqasho ku tegey Magalaada Baraawe oo dhowaan Al-shabaab ka baxday 6 sanadood kadib.

Ma jiro War xukuumadda Somalia kasoo saartay weerarka Diyaarada siday Madaxweynaha Somalia iyo khasaaraha ka dhashay, balse Xarakada Al-shabaab, ayaa sheegatay weerarkaa oo ahaa mid lala beegsaday Diyaarada Madaafiic iyo Hubka Lidka Diyaaradaha, taas oo sababtay in Diyaaradu dhinaca xeebta u cararto, isla markaana barxada Tabuuk oo ahayd goob fagaare ah oo Al-shabaab ciidaha salaada ku tukun jireen ay ku degeto.

Weerarka ka dib waxay Ciidamada AMISOM iyo kuwa dawlada Somalia ee ku sugan Baraawe madaafiic ku garaaceen duleedka magaalada oo ahayd meelaha laga soo weerary diiyaradaha siday wefdiga Madaxweynaha eek a tegey Muqdisho.

Dhinaca kale waxa jira warar sheegaya in dagaalo culus ka dhaceen deegaanka saacadihii lasoo dhaafay, mana jiraan warar madax banaan oo sheegaya khaaraha ka dhashay dagaaladaa, balse Al-shabaab ayaa sheegtay in ay deegaanka Rooboow oo qiyaastii 40km u jira xarunta Baraawe ku gubeen laba gaadhi oo Ciidamada AMISOM u siday Saad, kuwaas oo ay sheegeen in ay holciyeen. Kadib jidgooyo ay ka sameeyeen wadada duleedka Baraawe.

Dhinaca kale deegaamo ka tirsan Gobolada dhexe oo dhawrkii todobaad ee u danbeeyay dagaalo ku dhexmarayeen Al-shabaab iyo Ciidamada Ethiopia, waxay xarakada Al-shabaab ku sheegatay guulo iyo in ay qabsatay deegaamo cusub, isla markaana ay khasaare gaadhsiyeen ciidamada Ethiopia. Laakiin ma jiro wax war ah oo ay Ciidamada Ethiopia kasoo saareen sheegashada Al-shabaab.

Sidoo kale xukuumadda Somalia iyo Ciidamada AMISOM, ayaan ka hadlin guusha ay sheegatay Al-shabaab in ay ka gaadheen dagaaladaa.

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By Arraale M. Jama

Araweelo News Network is a Associated Online Agencies established and operated by Somali senior journalists Arraale M. Jama, Araweelo News Network is a one of the most popular Somali Media Online, created by the one of the senior Journalist and human rights activist Arraale Mohamoud Jama 2010. Araweelonews is an independent non-profit and is not affiliated with any political party or group. Its mission is to inform and to educate people of Somaliand and Somali community democracy, Human rights issue, Health $ Education and awareness. Editor-in-Chief, Arraale M. Jaama Freelance Journalist and Human Rights Activist. Contact E-mail; Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *